Barida Kala duwanaashaha Dhaqanka ee Qaxootiga

Caafimaadka

Nidaamka daryeelka caafimaadka Maraykanka waa mid iskudhafan wayna adkaan kartaa marka koobaad inaad fahanto. Xusuuso shaqaalaha wakaalada dib udajinta ayaa kaa caawinaaya inuu kajawaabo suaalahaaga uuna kusiiyo macluumaad dheeraad ah.

Daryeelka caafimaad Wadanka Maraykanka

  • Aqri - Daryeelka caafimaad Wadanka Maraykanka
    Aqri
  • Dhagayso - Daryeelka caafimaad Wadanka Maraykanka
    Dhagayso
  • Daawo - Daryeelka caafimaad Wadanka Maraykanka
    Daawo

Baaritaankaaga Koobaad ee Caafimaadka

Marka koobaad ee aad daryeel caafimaad Maraykena la xidhiidho ayaa ah baaritaankaaga koobaad ee caafimaad. Wakaaladaada Dib udajinta ayaa kuudiyaarinaysa baaritaan isla marka aad timaado kadib. Baaristu waxay aqoonsanaysaa dhibaatooyinkaaga caafimaad ee saamaynta kuyeelan kara dib udajintaada, awooda aad uleedahay inaad shaqayso iyo awooda caruurtaadu uleeyihin inay iskuul aadaan. Caruuraada waxaa lasiin karaa talaal inta baaristu socoto waayo dhamaan caruurta lagaynaayo iskuulada dawlada waa inay muujiyaan cadayn ah inay talaalan yihiin.

Adeeg bixiyaasha Caafimaadka

Waxaa jira adeeg bixyaal caafimaad oo kala duwan Wadankaan Maraykanka. Halkaan ayaad kahelaysaa adeeg bixiyaasha caafimaad ee ugu caansan:

Waaxda Caafimaadka Bulshada ayaa bixisa talaalada kadhanka ah xanuunada waxayna bixisaa adeegyo caafimaad oo kahortag ah, ayna kujiraan baarista iyo daawaynta qaaxatada. Adeegyada kahortaga caafimaad waa adeegyada kahortaga xanuunada intaysan qofka kudhicin. Dadka qaxootiga ah, adeegyadaan waa ubilaasha ama aad ayay raqiis ugu yihiin. In balan laguu qabto caadiyan waa muhiim.

Isbitaalada Bulshada iyo Xarumaha Caafimaad ayaa bixiya adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah iyo talooyinka caafimaad. Qaarkood waxay sidoo kale bixiyaan daryeelka ilkaha iyo baaritaanada indhaha. Xarumaha caafimaadka qaarkood waxay daaweeyaan bukaano gaar ah, sida waheenka uurka leh ama dadka qaba HIV/AIDS ka. Xarumaha caafimaadku waxay aqbalaan caymisyada gaarka looleeyahay iyo Medicaid (caymiska dawlada ee dadka faqiirka ah), qaarkoodna waxay kaqaadaan wax uu awoodo qofka bukaanka ah.

Dhaqaatiirta Gaarka ah waa dhaqaatiir guud ama kuwo takhasus gaar ah leh midkood. Dhaqaatiirta guud waxay bixiyaan daryeelka caafimaad ee guud, ayna kujiraan baaritaanada sanadlaha ah. Dhakhaatiirtu takhasusku waxay kashaqeeyaan qayb gaar ah oo kamida caafimaadka. Dhakhaatiirtu takhasusku qaarkood waxay daaweeyaan kooxo gaar ah, sida haweenka iyo caruurta. Kuwa kale waxay ku takhasueen qayb gaar ah oo kamid ah jirka, sida wadnaha, indhaha, ama cagaha. Waxaad ubaahantahay balan si aad u aragto dhaqtar gaar ah. Kahor intaadan utagin dhaqtar gaar ah, waa inaad caadiyan tustaa inaad bixin karto adeega ama aad haysato caymis.

Isbitaalada waxaa loogu talagalay bukaanada qaba dhibaatooyin gaar ah kuwaasoo ubaahan baaritaan iyo qaliino. Caadiyan dhaqtarkaaga ayaa kuu gudbinaaya isbitaalka ama waxaa lagu dhigayaa kadib markaad tagto qolka xaaladaha degdega ah. Daryeelka isbitaalku waa qaali, waxaana lagu waydiisan karaa inaad tusto inaad bixin karo qarashka adeegga ama inaad leedahay caymis kahor inta aad isbitaalka lagu dhigin. Si kastaba ha ahaatee, qolalka xaaladaha degdega ah kuuma diidi karaan daryeelka isbitaalka sabab laxariirta inaadan awood ulahayn qarashaadka.

Qolalka Degdega ah waxaa loogu talagalay dhibaatooyinka caafimaad ee degdega ah oo halista ah. Uma baahnid balan si aad utagto qolka degdega ah, lakiin waa meelo aad mashquul u ah waana inaad sugto mudo dheer haddii xaaladaada aysan ahayn mid aad uxun. Daryeelka qolka degdega ah waa mid aad qaali u ah. Haddii dhibaatadaada aysan ahayn mid degdeg ah, waa inaad aadaa xarunta caafimaadka ama xafiiska dhaqtarka.

Xarumaha Daryeelka Caafimaad ee Degdega ah ayaa laga helaa bulshooyinka qaar. Xarumahaas caafimaad waxay latacaalaan xaaladaha marka aad qabto xanuun ama dhaawac ubaahan daryeel degdeg ah, laakiin aan halis u ahayn ilaa iyo xad aad ubaahato inaad qolka degdega ah gasho. Uma baahnid balan.

Xuquuqdaada Daryeelka Caafimaad 

Wadanka Maraykanka, waxaad leedahay labo xaquuqood oo muhiim ah oo daryeel caafimaad ah. Waxaad xaq uleedahay in turjumaan laguu keeno oo waxaad leedahay xaga qarsoodiga. Usheeg isbitaalka ama shaqaalaha xarunta caafimaadka inaad ubaahantahay turjumaan markaad balan dhiganayso ama utimaado daryeel degdeg ah.  Wax kasta oo aad isdhaafsataan adiga iyo daryeelahaaga caafimaadka waa qarsoodi sida uu qabo sharcigu. Daryeelahaaga caafimaadku uma sheegi karo qoyskaaga, saxiibadaada, ama qofka aad ushaqayso wax kusaabsan xaaladaada caafimaad adoon ufasixin.

Fikradaha Caafimaadka ee Maraykanka 

Intada badana dadka Ameerikaanka ah waxay u aadaan dhaqtarka baaritaan hal mar sanadkii si ay u ogaadaan hadday jiraan dhibaatooyin caafimaad kahor intaysan sii xumaan. Waxay tagaan dhaqtarka ilkaha hal mar sanadkii si ilkahooda loo nadiifiyo si looga hortago dhibaato xun oo gaarta ilkahooda. Dadka Ameerikaanka ah waxay aaminsanyihiin in xanuuno badan looga hortagi karo nadiifin, nafaqo quman, jimicsi, iyo hurdo kugufilan.

Nadiifinta iyo Nadaafada Shaqsiga ah 

Inta badan dadka Ameerikaanka ah way qubaystaan maalinkasta, labo jeer ayay ilkahooda cadayaan maalintii, markasta madaxooda waxay kudhaqaan shaanbo, waxay marsadaan carfisooyinka hal mar maalintii, si joogta ah waxay udhaqaan dharkooda. Dukaanadu waxay gadaan waxyaabo badan oo dadka ka caawisa inay iska ilaaliyaan inay wasakh u muuqdaan ama ay yeeshaan urta dhididka. Nadaafada shaqsiga ah waxay muhiim unoqon kartaa helida iyo ilaalinta shaqada.

Cunista Cunto nafaqo leh 

Cunto nafaqo sax ah leh waxay ka dhigantahay waa cunista cuntooyinka saxda ah ee jirkaaga kadhigaaya mid caafimaad qaba. Waxay sidoo kale kadhigan tahay inaad jarayso cuntooyinka keena dhibaatooyinka caafimaad iyo xanuunada daran haddii si joogto ah loo cuno cadad badan. Cuntooyinka noocaas ah waxaa kamida sonkorta, cusbada, baruurta (sida, cuntooyinka shiilan, macmacaanada, iyo soodhooyinka).

Caafimaadka Dhimirka 

Ameerikaanku waxay aaminsanyihiin in caafimaadka dhimirku uu yahay muhiim si lamid ah kan jirka. Caafimaadka dhimirku waa sida aad dareemayso, kufakarayso, aadna udhaqanto intaad nolosha latacaalayso. Sidoo kale waxay qusaysaa sidaad uxaliso walaaca. Daryeel caafimaad oo wanaagsan waxaa kamida daawayn uu kusiiyo dhaqtar kutaqasusay caafimaadka dhimirka markii loobaahdo. Haddaad marna istiri noloshu aad ayay u adagtahay mana siiwadi kartid shaqooyinka nolosha ee maalinkasta, waa inaad raadsataa adeegyada caafimaadka dhimirka. Wakaaladaada Dib udajinta ayaa kaa caawinaysa helitaanka adeegyadaan kuuna xifdinaysa macluumaadkaaga.

SUAALAHA INTA BADAN LA ISWAYDIIYO: 

Mala iga bixinayaa qarashaadka caafimaadkayga? 

Dhamaan qaxootida lakeeno Maraykanka waxaa lasiiyaa nooc caymis caafimaad ah oo ay bixiso dawlada Maraykanku ugu badnaan 8 bilood kadib markaad wadanka timaado. Inkastoo caymiskaan caafimaad ubixinaayo baahiyahaaga caafimaad ee halista ah, kuma jiraan caafimaadka ilkaha iyo indhaha. Waxaa lagugu dhiiri galinayaa inaad shaqo raadsato wax yar kadib markaad wadanka timaado si aad uhesho caymiska caafimaad ee gaarka ah kaasoo uu qarashkiisa qabo qofka aad ushaqayso. Haddaad naafo tahay ama aad ka wayntahay da’da 65, dawlada Maraykanka ayaa kusiinaysa caymis caafimaad oo bilaash ah.

Waa maxay adeegyada ay heli karaan dadka naafada ah? 

Sharciyada Maraykanka ayaa difaaca oo caawiya dadka naafada ah. Wakaaladaada Dib udajinta ayaa kaa caawinaysa raadinta iyo helida adeegyada loo asteeyay qaxootiyaasha naafada ah. Caymiska caafimaadka iyo caawimaada lacageed ee lasiiyo qaxootiyaasha naafada ah ayaa diyaar ah qaxootiyaduna way codsan karaan gunooyinkaan markay wadanka soogalaan.

 

⇠ Dalabka Jihayntadhaqanka