Barida Kala duwanaashaha Dhaqanka ee Qaxootiga

Waxbarashadda

Maraykanka dhexdiisa, waxbarashadu waxay dyaar utahay dhamaan caruurta, ayadoon laga fiirinayn awoodooda, jinsigooda, da’dooda, asalkooda, diintooda, dareenkooda galmo, ama nooca bulsho ee ay katirsan yihiin.

Waxbarashada Maraykanka

  • Aqri - Waxbarashada Maraykanka
    Aqri
  • Dhagayso - Waxbarashada Maraykanka
    Dhagayso
  • Daawo - Waxbarashada Maraykanka
    Daawo

Iskuulada dawlada waa lacag la’aan, waxaana jira sharciyo iyo xeerar quseeya iskuulada dawlada. Iskuulku wuxu qasab kuyahay caruurta jirta da’ gaar ah oo kabilaabanaysa yaraantooda ilaa intay labaatanka kahooseeyaan. Da’da rasmiga ah ee iskuulka qasabka kuyahay waxaa lagu go’aamiyaa sharciga gobalkasta uyaala. Iskuuladu waxay filayaan in waalidku qayb ka ahaado wax barista caruurtooda ayagoo xaqiijinaaya inay iskuulka yimaadaan ayna kacaawiyaan meelo kala duwan.

Caruurta iyo Dhalinyarada

Iskuulada dawlada waxaa laga helaa wadankoo dhan ayagoo lacag la’aan ah. Sida uu sharcigu qabo, iskuulada dawlada wax shuqul ah kuma lahan diimaha. Iskuulada gaarka loo leeyahay ayaa sidoo kale laga helaa inta badan meelaha, qaarkoodna waa kuwo diimeed. Iskuulada gaarka looleeyahay waxay ardayda kaqaadaan lacag, taasoo noqon karta mid qaali ah.

Waxaa jira afar darajo oo waxbarasho. Caruurta isku fasalka ah da’dooda way kala duwanaan kartaa, inkastoo inta badan ardayda ay 1 ilaa 2 sano ay kala wayn yihiin. Iskkulada dawlada, wiilasha iyo gabdhaha way isla dhigtaan fasalada.

Iskuulka kahor. Heerkaan waxaa dhigta caruurta 3 ilaa 5 sano jirka ah. Sharcigu maqasbaayo.

Dugsiga hoose. Heerkaan wuxuu kabilowdaa Kindergarten (da’da 5) wuxuuna si socdaa ilaa fasalka shanad ama lixaad (da’da12).

Dugsiga dhexe. Heerkaan waxaa kujira laga bilaabo fasalka lixaad ama todobaad ilaa fasalka sideedaad ama sagaalaad, ee caruurta da’doodu tahay 12 ilaa 14.

Dugsiga sare. Heerkaan waxaa kujira inta badan laga

Ardayda haysata shahaadooyinka dugsiyada sare iyo darajooyin aqooneed oo saraysa waxay waxbarashadooda kasii wataan kuleejka ama jaamacada, laakiin waxbarashada jaamaca maaha bilaash. Tababarada dugsiga sare kadib ayaa sidoo kale laheli karaa wayna karaqiisan yihiin kuleejyada iyo jaamacadaha.

Dadka Waawayn 

Ameerikaanku waxay aaminsanyihiin in uusan qofku kawaynaan kana yaraan inuu wax cusub barto. Waxaa jira fursado waxbarasho oo badan ayna helikaraan dadka waawayn iyo dadka yaryar ee qaan gaarka ah, laakiin qaxootiyadu waa inay kala doortaan xarashka iyo madaxa kudhaxeeya inay shaqeeyaan iyo inay waxbartaan. Waxbarashadu waxay kuusahlaysaa inaad mustaqbalka shaqo lacag badan hesho, laakiin qaxootiyadu waxay ubaahan yihiin inay ila markaba shaqeeyaan si ay utaageeraan naftooda iyo tan qoyskooda, waxbarashada dadka waawayn ee Maraykankana waxay noqon kartaa mid qaali ah. Dad badan oo qaxooti ah, dookhooda ugu wanaagsan waa inay shaqeeyaan maalinta oo dhan iskuulkana dhigtaa saacado kooban.

Deegaanada inta badan waxay leeyihiin waxbarasho noocyo kala duwan oo loogu talagalay ddka waawayn ayna kujiraan:

  • Casharada luuqada Ingiriisiga iyo aqoonta
  • Koorsooyin tababareed sida kumbuyuutarka, luuqadaha shisheeye, iyo xirfadaha xoghaynta.
  • Casharada shahaadada Hormarka Aqoonta Guud (GED) ee loogu talagalay dadka waawayn kuwaasoo aan lahayn shahaadada dugsiga sare
  • Iskuulada fasaxyada iyo farsamada
  • Kuleejyada bulshada (caadiyan barnaamijyo 2 sano ah)
  • Kuleejyada ama jaamacadaha (caadiyan barnaamijyo 4 sano ah)
  • Iskuulada waxbarashada sare ee bixiya shahaadooyinka labaad ee jaamacada ee maadooyin kaladuwan ah.

Qiimaha fasladaan, iskuuladaan, iyo kuleejyadaan aad ayay ukala duwan yihiin. Iskuulada inta badan iyo kuleejyadu waxay bixiyaan adeegyo dhaqaale ayna siiyaan ardayda ubaahan.

Fahanka Dhaqanka 

Iskuulada Maraykanku waxay inta badan leeyihiin deegaan laqabsi fiican oo isdhexgalka kuwacan, marka loo fiirsho casharada iyo qaababka wax loobaro wadamada kale. Waxaa sidoo kale qiima badan lasiiyaa fikirka dhabta ah iyo dadaalka qofka. Wada shaqayntu waa muhiim, laakiin ardayda waxaa inta badan lagu qiimeeyaa guulaha ay keenaan.

Waxaa jira qaabab badan oo waalidku kucaawin karan kuna taageeri karaan caruurtooda xataa hadaysan sifiican ugu hadli karin Ingiriisiga. Halkaan waxaad kahelaysaa qababka qaar ay waalidiinta qaxootiga ah uga qayb qaadan karaan axbarida caruurtooda:

  • Baar in iskuulku bixiyo dalxiis ay caruurtu aadaan ama casharada xiliga xagaaga kahor intaan iskuulka lafurin.
  • Waydii cunugaaga waxuu kasoo bartay iskuulka maalintaas.
  • Waydii cunugaaga waxa loosoo siiyay shaqo guri ama fiiri buugooda layliga ama boorsadooda shaqada guriga.
  • Kaqabgal casharada ESL, hadii laga bixiyo, iskkulka cunugaaga.
  • Kaqayb gal kulanka macalimiinta iyo waalidka.
  • Kacaawi nashaadaadka kabaxsan manhajka sida kooxda ciyaraha ee iskuuka ama kooxta farx=shaxanka.
  • Tabarucaad kasamee fasalka cunugaaga.
  • Ukaxee cunugaaga baska ama iskuulka.
  • Kala shaqee cunugaaga shaqa gurigiisa.
⇠ Dalabka Jihayntadhaqanka